Muqdisho, Arboco, 28 July 2010, (Hillaac.Net) Maamulka xarakada Alshabaab ee deegaanka Dhoobley ayaa goordhawayd ka warbixiyay iskahorimaad saakay deegaanka Diif ku dhex maray maleyshiyaad ka tirsan kuwa ONLF Sida Maamulku iyo ciidamada maamulka xarakada Alshabaab ee deegaankaasi Dhoobley.

Sheekh Max’ed Xaaji Axmed Guddoomiyaha deegaanka Dhoobley oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in ciidamo katirsan kuwa ONLF ay saakay soo weerareen deegaanka Diif Waxana uu Sheekhu sheegay ka warbixiyey Weerarkii ay soo qaadeen Maleeshiyaadkaas oo uu sheegay in Jab xooggan u geysteen islamarkaana ay ka eryeen halkii ay soo weerareen.
Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in 2 Askari ay ka dileen Maleeshiyaadkii saakay weerarka soo qaaday isagoona xusay in ay kusii daba jiraan intii baxsatay.