Muqdisho, Arboco, 28 July 2010, (Hillaac.Net) Madaxweyne Shariif oo ka hadlayey Farxaddii saaqday Markii lasoo gabagabeeyay shirkii Madaxda Afrika uga socday Magaalada Kampala ee Dalka Ugandha ayaa shaaca ka qaaday in uu aad ugu qancay Qodobbadii kasoo baxay Gabagabada Shirkas oo ay ugu waaweynaayeen in sida ugu dhaqsaha badan Magaalada Muqdisho loo geeyo Ciidamo Afrikaan ah oo gaaraya 4000, Iyo in Ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho jooga loo fasaxo in ay Dagaal Ballaaran ku qaadi karaan Kooxaha Islaamiyiinta ee kula dagaallamaya Magaalada Muqdisho.

Ciidamada AMISOM oo haatanba Madaafiic ku xasuuqa shacabka Magalada Muqdisho islamarkaana Dagaallo aysan waxba kula harin kula jira Xoogagga Islaamiyiinta ah ee Dagaalka kula jira ayaan la garaneynin waxa Afrikaankii soo diray ay ula jeedaan in ay yiraahdaan Dagaal baa haatan loo fasaxayaa, Iyadoo Dabcan Hadalkaa lagu doonayo in lagu qariyo Xasuuqa ay ka wadaan magaalada Muqdisho islamarkaana lagu qaldayo Shucuubta Waddamada ay Madaxda ka yihiin Madaxdaas Afrikaanka ah ee Mareykanku uu ku adeegto.
Sidookale waxan weli lahubin in ay Madaxdaas Afrikaanku fulin doonaan Ballanqaadka Ciidan ee ay ka sameeyeen Magaalada Kampala Maadaama Dowlad walba oo Afrikaan ah aysan dooneyn in Ciidamadeedu ay lug ku yeeshaan Dagaallada kasocda Dalka Soomaaliya oo ay ogyihiin in aaney ahayn kuwo Fudud, Kaliyana ay Madaxdaasi doonayaan in ay Ballanqaadyo Afka ku kooban Lacago uga daldashaan reer Galbeedka, Illaa iyo haddana waxa kaliya ee Ciidamadooda lagu Dagay Dagaallada Soomaaliya ay yihiin Dalalka Burundi iyo Ugandha oo iyagu haatan Shallayto ka jooga, Iyo Itoobiya oo Wajigii hore ee Dagaalka ku fashilantay kuna jabtay.