Muqdisho, Talaado, 27 July 2010, (Hillaac.Net) Xarakada AlShabaabul oo shalay Dagaallo culus oo ay la galeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah kadib kala wareegay Deegaanno hor leh oo ay ka mid yihiin Dekaddii Hore ee Duqda Muqdisho iyo Saldhigga Bari ee degmada C/Caziiz ayaa Saakay Warbaahinta Muqdisho geeyay Goobahaas ay shalay la wareegeen Iyagoo sidoo kalena tusiyey Hub iyo Saanad ay ka carareen Ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah oo halkaas ay kula wareegeen.

Afhayeenka Alshabaab ee dhanka Ciidamada ayaa Warbaahinta u sheegay in haatan ay Ciidamada AMISOM ka quusteen in ay Weerar dambe soo qaadaan Maadaama sida uu Afhayeenku sheegay ay Ciidamada AMISOM ku jebiyeen Weeraradii isdabajoogga ahaa ee ay Lixdii Maalmood ee lasoo dhaafay ku soo qaadayeen Goobo ka tirsan Degmooyinka Boondheere iyo C/Casiis oo horay loogala wareegay aadna ay isugu dayeen in ay dib u qabsadaan Balse Weeraradii ay soo qaadeen dhammaantood lagu jebiyey sida uu Afhayeenku sheegay.
Dagaalkii shalay ayuu Afhayeenka Ciidamada Alshabaab sheegay in ay Ciidamada AMISOM uga gubeen Gaari Beebe ah iyo weliba Kaare oo labadaba Iyagoo Basbeelay ay jiiteen.
Saraakiisha Alshabaab ayaa haatan sida laga soo xigtay waxa ay doonayaan in Maalmaha soo socda ay Dagaal kamadambeys ah ku qaadaan Goobaha ay ku hareen Ciidamada AMISOM sida Bangigii hore ee Ganacsiga, Jubba, Dekedda Cusub, Airaboorka, Madaxtooyada, Xalane, Iyo Meelo kale oo ay Xarumo ku leeyihiin, Iyadoo sida Saraakiishaas laga soo xigtay ay Haatan soo koobmeen Aagaggii Dagaalka.