Muqdisho, Sabti, 24 July 2010, (Hillaac.Net) Xisbiyada Mucaaradka ah ee Dalalka Ugandha iyo Burundi ayaa Maanta Markii labaad si isku mid ah Dowladahooda ugu baaqay in ay Ciidamadooda sida ugu dhaqsiyaha badan uga soo daadgureeyaan Dalka Soomaaliya, Iyagoo Shacabka Dalalkaasna ugu baaqay in ay sameeyaan Iskusoobaxyo aan kala joogsi lahayn si ay Dowladahooda ugu Cadaadiyaan soo daadgureynta Ciidamada ka jooga Dalka Soomaaliya.

Dowladaha Ugandha iyo Burundi oo Dhaqaale aad u farabadan uu kasoo galo Ciidamada ka jooga Dalka Soomaaliya ayaan Dheg jalaq u siinin Dalabka Mucaaradkooda Iyadoo Dhawaan Dowladaha reer Galbeedku ay kordhiyeen lacagaha la siiyo Labadaas Dowladood si ay Ciidamadooda ugu sii hayaan Dalka Soomaaliya.
Macadda Tallaabada ay qaadi doonaan Mucaaradka iyo Shucuubta Dalalkaas Waxase Muuqata in Welwel iyo Cabsi weyn ay soo Foodsaartay Shacabka Dalalkaas intii ka dambeysay Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Kampala ee Dalka Ugandha oo ay ku dhinteen kudhawaad Boqolka Ruux.