Muqdisho, Jimce, 23 July 2010, (Hillaac.Net) Dowladda Waddanka Holland ayaa bilaaabeysa bilaha soo socda in ay koofurta dalka Soomaaliya ku celiso Boqollaal ka mid ah Qaxootiga Soomaalida ee dalkeeda ku sugan iyadoo arrinkaasi ay cambaareysay hay’adda Human Rights Watch, War qoraal ah oo ka soo baxay hay’adda u dooda xaquuda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa lagu cambaareeyay qorshayaal qarsoodi ah oo dowladda Holland ay ku dooneyso inay dib Koofurta Soomaaliya ugu soo celiso qaar ka mid ah Qaxootiga Soomaalida ee dalkeeda ku sugan, Waxana ay Arrintaas ka dambeysay baa la leeyahay kadib Markii uu Heshiis qarsoodi ah dhexmaray Dowladda Holland iyo DKMG ah.

Dadkaani Soomaalida ah ee la soo celinayo ayaa la sheegay inay gaarayaan boqollaal ruux kuwaasi intooda badan loo diiday inay sharciga dalkaasi qaataan, waxaana dowladda Holland ay qorsheynaysaa in dadkaasi ay ku soo celiso Koofurta dalka Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan.