September 09 2010 07:51:35
DHAGEYSO BBC SOMALI
BBC SOMALI 07:00
BBC SOMALI 11:00
BBC SOMALI 14:00
BBC SOMALI 18:00
DHAGEYSO VOA SOMALI
VOA SOMALI 16:00
VOA SOMALI 19:00
VOA SOMALI 20:00
HOOS KA DAAWO TVGA HILLAAC.NET
HOOS KA DAAWO ISLAM TV
Somali Links
· JILIBWEYN
· GEESGUUD.COM
· ADDACWAH
· CADAALADA
· DAYNIILE
· MARKACADEY
· BCLUB
· SHAACIYE
· DALKANEWS
· HORNAFRIK
· SHABELLE
· BARTAMAHA
· SOOMAALINEWS
· GENDERSHE
· KISMAAYONEWS
· SOMALIMEMO
· RADIO ALFURQAAN
· SHACABKA
· DHACDOOYINKA
· ALLMUQDISHO
· SOMALITALK

AFHAYEENKA ALSHABAAB SHEEKH CALI MAXAMUUD RAAGE (SHEEKH CALI DHEERE) OO KA HADLAY DAGAALKA HAATAN SOCDA WAXA UU KAGA DUWAN YAHAY DAGAALLADII HORAY AY U QAADI JIREEN XARAKADA ALSHABAAB.

Muqdisho, Sabti, 28 August 2010, (Hillaac.Net) Afhayeenka Xarakada Alshabaab ayaa Xalay Barnaamis qaas ah oo ay soo diyaarisay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ka qeybgalay Isagoo Faahfaahin ka bixiyey Dagaalka ay haatan ku jiraan Xarakadooda iyo waxa uu kaga duwan yahay Dagaalladii ay horay ula galeen AMISOM, Isagoo sidoo kalena Su'aalo ay Dhageystayaashu weeydiiyeen si Faahfaahsan kaga jawaabay.

SII AQRI OO DHAGEYSO HADALKA SHEEKH CALI DHEERE.

Dastuurka Qabyada ee Cusub oo Shuruudaha Madaxweynaha aysan ku jirin in uu ahaado Muslim.(Xigasho Somalitalk)

Muqdisho, Jimce, 27 August 2010, (Hillaac.Net) Dastuurka Qabyada ah ee Cusub oo la soo bandhigay oo aad u Khafiifiyey Shuruudaha laga doonayo qofka Madaxweynaha u noqonaya Qaranka Soomaaliya, Guddiga Dastuurka Federaalka Soomaaliya ayaa Khamiistii August 26, 2010 waxay soo bandhigeen “Qabyo Qoraalka Dastuurka la Tashiga” si loo geliyo la tashi dadweyne.

DAGAALLO CULUS OO MAGAALADA MUQDISHO KA SOCDA CAAWA OO XOOGAGGA ALSHABAAB AY UGU SUURAGASHAY IN AY DKMG AH KA QABSADAAN FARIISIMO HOR LEH.

Muqdisho, Jimce, 27 August 2010, (Hillaac.Net) Dagaallo aad u ba'an oo Maanta oo dhan ka socday Magaalada Muqdisho ayaa Caawa sii xoogeystay Iyadoo Wararka Caawa magaalada Muqdisho naga soo gaarayana ay sheegayaan in Xarakada Alshabaab ay u suuragashay in ay Qabsadaan goobo hor leh oo uu ka mid yahay Mowlicii Macallin Nuur iyo Agagaarkiisa oo ay shalay ku sugnaayeen Kooxda Ahlusunna, Sidookale Xarakada Alshabaab ayaa haatan Ciidamada DKMG ah iyo kuwa Ahlusunna isugu keenay Qeybo ka mid ah Waddada Makka-Almukarama oo Xilligani uu weli Dagaal culusi ka socdo.

Shabaab oo Dagaal kula wareegay goobo ay ka mid yihiin Wasaaraddii hore ee Boostada Iyo Isgaarsiinta, Gurigii Maxamed Dheere, Iyo Isgoyskii Jubba Iyo Dagaallo qaraar oo Saakay Aroortii socda.

Muqdisho, Jimce, 27 August 2010, (Hillaac.Net) Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamada Xarakada Alshabaab ay Dagaal Cuslus oo ay la galeen Ciidamada AMISOM kadib u suuragashay in ay la wareegaan Gacankuhaynta Goobo Muhiim ah oo ay ka mid yihiin Gurigii Maxamed Dheere, Wasaaraddii Boostada, Isgoyska Jubba, Iyo weliba Isgoyska Boondheere oo Dagaallo aad u culus ay ka socdaan, Waxana Wararka weli nasoo gaaraya ay Sheegayaan in Hotelka Jubba qudhiisa oo Xarun weyn ay ku leeyihiin Ciidamada Ugandha uu Dagaal culusi ka socdo, Waxana weli si Naflacaarinimo ah isku difaacaya Ciidamada Ugandha ee ku sugan Hotelkaas oo Saddexdii Maalmood ee lasoo dhaafay Halkaas ku go'doonsanaa.

Agaasimihii UNIVERSAL TV ee Qaaradaha Afrika iyo Asiya oo is casilay, xilli la filayo in shaqo ka tegis ay ku dhawaaqaan Mas,uuliyiin kale oo ka tirsan TVga Universal.

Abdulkadir_Mohamed_Ali_Tunda.jpgMuqdisho, Khamiis, 26 August 2010, (Hillaac.Net) Waxaa caawa ku dhawaaqay inuu iska casilay guud ahaan Shaqadii uu ka hayay UNIVERSAL TV , Agaasimihii Qaaradaha Afrika iyo Asiya , ahna u qeybsanahii dhanka Ganacsiga iyo Suuq-geynta ,ahaana Wakiilkii Telefishanka u qaabilsanaa wadanka Iskutagga imaaraad-ka carabta C/qaadir Maxamed Cali “ Tuunda.

DAGAAL AAD U CULUS OO MAANTA DUHURKII DIB UGA QARXAY WADDADA MAKKA-ALMUKARAMA, IYO SUUQA BAKAARAHA OO MADAAFIIC AY KU SOCOTO.

Muqdisho, Khamiis, 26 August 2010, (Hillaac.Net) Dagaallo galay Maalintii Afraad ayaa Maanta dib uga soo cusboonaaday Waddada Makka-Almukarama ee Magaalada Muqdisho Iyadoo Ciidamada Shisheeye ee ku sugan Airaboorka iyo Villa Soomaaliyana ay Madaafiic ku asqeeyeen Suuqa Weyn ee Bakaaraha oo Maanta ay kusoo Qatalmeen Shacab Soomaaliyeed oo islahaa ka Dukaameeysta Maadaama ay Magaaladu gelinkii hore degganeyd.

Dagaalkii Muqdisho oo Maanta u muuqda mid la'isku nasanayo, Shacabkii Muqdisho oo ka faa'iideysanaya Degganaantaas yar, Iyo Faahfaahin ku saabsan Halka ay kala joogaan Kooxihii Dagaallamay.

Muqdisho, Khamiis, 26 August 2010, (Hillaac.Net) Maanta oo ah Maalintii Afraad tan iyo markii ay Xarakada Shabaab Iclaamiyeen Dagaal lagu Dabargoynayo Ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan iyo kuwa DKMG ah ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka jirta Deggenaan aan Caga badan ku taagneyn oo sida la dareemayo Dhinacyadi Dagaallamay ay isu Abaabulayaan islamarkaana ay Ciidamadoodii Furumaha ku jiray Saddexdii Maalmood ee lasoo dhaafay ku kala beddelanayaan, Iyadoo Dhanka kalena Shacabkii Magaalada Muqdisho Xaafadaheeda kala duwan ku go'doonsanaa ay Cagahooda uga baxsanayaan Magaalada Maadaama Madaafiicdii AMISOM ee sidii Roobka ugu shubmeysay Xaafadaha Muqdisho Maanta laga yara nastay.

MUQDISHO OO AY MAALINTII SADDEXAAD DAGAALLO LAGU HOOBTAY KA SOCDAAN, IYO XAALADDA UU DAGAALKU HAATAN JOOGO.

Muqdisho, Arboco, 25 August 2010, (Hillaac.Net) Waxaa Maalintii Saddexaad Dagaallo ba'an ay ka socdaan Magaalada Muqdisho, Iyadoo Shacabkii Magaalada ku haray ay weli kasii cararayaan, Waxana Shacabka ugu badan ee Magaalada ka cararaya ay ku sii jeedaan Gobollada Sh/Dhexe iyo Sh/Hoose.

Alshabaab oo la wareegay Goobo ay ku jirto Waddada Makka-Almukarama, Ciidamada AMISOM oo iska waardiyeynaya Cid walboo xiran Dharka Ciidamada DKMG ah, Iyo Warar kale.

Muqdisho, Talaado, 24 August 2010, (Hillaac.Net) Iyadoo Dagaal aad u ba'an uu Maanta si Saf Ballaaran Maalintii labaad uga socdo Magaalada Muqdisho ayaa Marka laga soo tago Qasaaraha naf iyo Maalba leh ee Shacabka ka soo gaaray Madaafiicda ay Ciidamada AMISOM sida Waalida ah ugu garaacayaan waxaa jira Horumar ay Xoogagga Islaamiyintu ka sameeyeen Dagaalladii Maanta dhacay Iyadoo ay Ciidamada Xarakada Alshabaab si Buuxda Maanta gacanta ugu dhigeen Goobo Muhiim ah oo ay horay ugu sugnaayeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah, Goobaha ay Maanta Qabsadeen Xarakada Alshabaab ayaa waxaa ka mid ah:-

SHEEKH XASSAN DAAHIR AWEYS OO KA HADLAY XILDHIBAANNADII LAGU LAAYEY HOTEL MUNA WAREYSI ARRINTAAS KU SAABSANNA SIIYEY VOA!!.

Muqdisho, Talaado, 24 August 2010, (Hillaac.Net) Hoggaamiyaha Ururka Xisbul-Islaam Sheekh Xassan Daahir Daahir Aweys oo Wareysi siiyey Idaacadda Codka Mareykanka ku hadasha ee VOA ayaa sheegay in Arrintii maanta ka dhacday Hotel Muna ay tahay mid qeyb ka ah Dagaalka cadawga lagula jiro Isagoo sheegay in inta Cadawga Waddanka Soomaaliya uu ka baxayana ay si kasta ula dagaallami doonaan.

SII AQRI OO DHAGEYSO HADALKA SHEEKH XASSAN.

(DHAGEYSO) MADAXWEYNE SHARIIF IYO WASIIRKIISA WARFAAFINTA OO KA HADLAY XILDHIBAANNADII LAGU LAAYEY HOTEL MUNA.

Muqdisho, Talaado, 24 August 2010, (Hillaac.Net) Iyadoo marba marka ka dambeysa ay isa soo tareyso Qasaaraha soo gaaray Xubno ka tirsan DKMG ah oo isugu jira Xildhibaanno, Wasiirro, Iyo Saraakiil Ciidameed oo dhammaantood ku sugnaa Hotel Muna Xilli Weerar ay ku qaadeen Alshabaab ayaa Arrintaas waxaa si kala gooNi-gooni ah uga hadlay Madaxweyne Shariif iyo Wasiirkiisa Warfaafinta Yariisoow, Waxana Wasiirka Warfaafinta uu sheegay in aaney Dowladdoodu iska difaaci karin Ismiidaamin uu sheegay in Al-shabaab ay la beegsaneyso Xubnaha DKMG ah.

SII AQRI OO DHAGEYSO HADALKA SHARIIF IYO YARIISOOW.

THIS IS YOUR IP ADRESS

MAQAALLO

Itoobiya (Qabaa'ilka Soomaalida ayaan ku Qancinnay in ay Deegaannadooda Dowlado yaryar oo Dowladda Itoobiya ku xiran ka sameystaan, Si Caasimadda Muqdisho ay u noqoto-?) (Sir Culus)

Timir u geysaa Iyo Tiin u dhigtaaba Tigree Tir-tirkaageey u socdaan!.(Maqaal Xiiso Badan) (Shukri Xassan, Shukri Yareey)

Odaygii Daarood ee Itoobiyaanka Watay Af iyo Addinba waad kula Dirirteene, Wiilka Hawiye ee Ugandheyska Ilmihiinna ku leynaya Maxaad uga Aamusteen?.(Maqaal Xiiso Badan)(W/Q:-Seynab Gaabo)

Ma Xusuusataa Labadii Arrimood Ee Uu Melez Zenawi Qirtay In Ay Suurtagalisay Jabkii Ciidamadiisa Ka Qabsaday Dagaalkii Ay Ku Soo Qaadeen Dalka Soomaaliya?. (xasuusin)
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
eXTReMe Tracker
Render time: 0.29 seconds 114,028 unique visits