|
HOOS KA DAAWO TVGA HILLAAC.NET |
|
|
|
CIIDAMADA AMISOM EE KU SUGAN MAGAALADA MUQDISHO OO SI BA'AN U DUQEYNAYA SUUQA BAKAARAHA, IYO QASAARO FARABADAN OO KA SOO GAARAY SHACABKA. |
|
Muqdisho, Khamiis, 02 September 2010, (Hillaac.Net) Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho oo Beryihii ugu dambeeyay Madaafiicda BMka ku garaacayey Suuqa Bakaaraha iyo Agagaarkiisa ayaa Maanta markale Duqeymo ba'an u geystay Suuqaas iyo weliba Xaafadaha ku teedsan Iyadoo Shacabkii halkaas ku sugnaana ay soo gaareen Dhibaatooyin isugu jira Dhimasho iyo Dhaawacba, Sidookale Xalay ayey Ciidamada AMISOM Duqeyn taa la mid ah u geysteen Xaafadaha rayidku degganyahay ee Magaalada Muqdisho, Waxana Ciidamadan ay Ujeeddadoodu tahay in ay Xasuuqaan rayidka ugu badan ee Soomaaliyeed intii ay ka gaarsiin karaan Maadaama ay ku hungoobeen Dagaallo ba'an oo ay Xoogagga Islaamiyiinta Maalmihii la soo dhaafay kula galeen Qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho. |
|
|
TALIYE SARE OO KA TIRSANAA DKMG AH OO CIIDANKIISA WATA OO ISKU SOO DHIBAY XARAKADA ALSHABAAB EE GOBOLLADA BAY IYO BAKOOL. |
|
Muqdisho, Arboco, 01 September 2010, (Hillaac.Net) Taliye sare oo lagu magacaabo Mayoow C/Raxmaan Taysiyoow oo ka tirsanaa Saraakiishii ugu sarsareysay ee Hoggaaminayey Ciidamada DKMG ah ee ka dagaalgalayey Deegaanka Yeed ayaa Maanta isku soo dhiibay Xarakada Alshabaab ee Gobollada Bay iyo Bakool isagoo wata Ciidankiisii iyo 2 Gaari oo kuwa Tiknikada ah. |
|
|
Maxaad Ka Taqaan La-Taliyaha Madaxweynaha DKMG AH?. (Haweeney Mareykan ah). |
|
Muqdisho, Arboco, 01 September 2010, (Hillaac.Net) Kadib markii Xilka Madaxweynenimada loo caleemo saaray Sheekh Shariif Sheekh Axmed magaalada Jabuuti, ayaa la sheegay in qofkii ugu horeeyay ee uu magcaabo La-taliye dhinaca dib u dhiska iyo Gargaarka iyo Burcad babdedka ayuu waxaa nasiib u yeelatay haweeney Mareykan u dhalatay laguna magacaabo Mrs. Michelle Lynn Ballarin loona yaqaano "Amiira".
|
|
|
SARGAAL KASOO GOOSTAY DKMG AH OO AY CIIDAMADA ALSHABAAB MUQDISHO KU SOO BANDHIGEEN!!. |
|
Muqdisho, Arboco, 01 September 2010, (Hillaac.Net) Sargaal ka tirsanaa DKMG ah oo magaciisa ku sheegay Cabdiraxmaan Axmed Cabdi ayaa maanta waxaa lagu soo bandhigay gudaha magaalada Muqdisho isagoo wata dirayskii iyo qalabkii uu ku howlgali jiray, Cabdiraxmaan wuxuu warbaahinta u sheegay in uu yahay sargaal ka tirsanaa ciidamdii DKMG ah ee lagusoo tababaray dalka Jabuuti oo ay soo tababareen Ciidamo Faransiis ah, Isagoo xusay in isaga iyo Rag kale tababar gaar ah la siiyay kadibna gudaha dalka la keenay. |
|
|
CIIDAMADA UGANDHA OO U DIIDAY RAISULWASAARE CUMAR CABDIRASHIID INUU KA DHOOFO MAGAALADA MUQDISHO ISAGOO DOONAYEY IN UU AADO MAGAALADA NAIROBI. |
|
Muqdisho, Arboco, 01 September 2010, (Hillaac.Net) Wararka laga helayo Xafiiska Ra'isulwasaare Cumar Cabdi Rashiid ayaa sheegaya in Ciidamada Ugandha ay ishortaageen Safar uu Cumar Cabdirashiid ku doonayey in uu ku aado Magaalada Nairobi ee Waddanka Kenya, Safarka Ra'isulwasaaraha oo ahaa mid horay u sii qorsheysnaa isla markaana uu ku tegi lahaa Dhowr Waddan oo sida la sheegay uu kaga qeybgeli lahaa Maalinta Nabadda Adduunka oo ku aaddan Bisha Septembar ayey Ciidamada Ugandha si dadban isuhortageen iyagoo diiday in ay Ra'isulwasaaraha ka galbiyaan Madaxtooyada oo ay geeyaan Airaboorka, Iyadoo Diyaaraddii qaadi lahaydna ay taagneyd.
|
|
|
(DHAGEYSO) WARBIXIN SANNADLE AH OO DALKA UGANDHA LAGA SOO SAARAY LAGUNA SHEEGAY IN ASKARTA UGANDHA EE SOOMAALIYA LOO SOO DIRAY 2000 KAMID AH AY QABAAN CUDURKA AIDSKA. |
|
Muqdisho, Talaado, 31 August 2010, (Hillaac.Net) Warbixin Sannadle ah oo ay Magaalada Kampala kasoo saareen Mucaaradka Ugandha ayey ku kashifeen in Askarta Ugandha ee loo soo diray Dalka Soomaaliya 2000 kamid ah ay qabaan Cudurka Aidska ah, Iyagoo Mucaaradka Warbixinta soo saarayna Madaxweynaha Waddankaas Ugandha ku eedeeyay in Dhallinyaro Reer Ugandha ah oo qaba Cudurka AIDSka oo ku xareysnaa Xerooyin ku yaalla halka lagu magacaabo JILJA oo lagu baxnaaninayey uu u soo diray Dagaalka ka soconaya Dalka Soomaaliya.
SII AQRI OO DHAGEYSO WARBIXINTA OO FAAHFAAHSAN.
|
|
|
TALISKA AMISOM EE MAGAALADA MUQDISHO OO QIRTAY IN ASKAR AY UGA GEERIYOODEEN MADAAFIIC KU SOO DHACAY GUDAHA XARUNTA MADAXTOOYADA. |
|
Muqdisho, Isniin, 30 August 2010, (Hillaac.Net) Taliska Ciidamada AMISOM ee Magaalada Muqdisho ayaa Caawa Qirtay in Madaafiic ku soo dhacday Xarunta Madaxtooyada ay kaga geeriyoodeen 5 Askari oo ka tirsan Ciidamada AMISOM, Iyagoo sidookalena sheegay in ay Madaafiicdaasi ay Ciidamo kale kaga dhaawacmeen. |
|
|
Warar shalay ay Idaacadaha qaar tebiyeen oo ahaa in Mowlaca Macallin Nuur ay dib u qabsadeen DKMG ah oo ay beenisey Xarakada Alshabaab islamarkaana markale geeyay Warbaahinta. |
|
Muqdisho, Isniin, 30 August 2010, (Hillaac.Net) War shalay ay Idaacadda Shabelle baahisay oo ahaa in Ciidamada DKMG ah ay dib u qabsadeen Mowlicii Macallin Nuur ayey Maanta Xarakada Alshabaab Beeniyeen Iyagoo sidookalena Warbaahinta Maxalliga ah iyo kuwa Dibeddaba ku martiqaaday Mowlacaas Macallin Nuur oo shalay sida Afhayeenka Booliska DKMG ah Bariise uu sheegtay in ay iyagu dib u qabsadeen. |
|
|
Alshabaab oo soo bandhigay Meydad ay ka dileen Ciidamada AMISOM, Iyo Madaxweyne Shariif oo Beesha Caalamka ka codsaday in ay toos u soo farageliyaan Soomaaliya Dagaallada ka socda. |
|
Muqdisho, Isniin, 30 August 2010, (Hillaac.Net) Iyadoo Maanta uu Dagaal aad u culus ka dhacay Aagga Hotel Jubba oo sida la sheegay ay Ciidamada AMISOM weerar ay u adeegsadeen Taangiyada Dagaalka ku soo qaadeen ayaa Faahfaahin uu Dagaalkaas ka bixiyey Afhayeenka dhinaca Ciidamada Alshabaab waxa uu sheegay in ay jebiyeen Ciidamadii AMISOM ee isku dayey in ay Go'doonka ay ku jiraan iska bixiyaan, Isagoo intaa ku daray in ay Askar badan ka laayeen oo ay Meydkooda gurbiskiisa ay Shaqo culus ku noqotay, Waxana uu Afhayeenku intaas ku daray in tiro intaas ka badan oo Ciidanka AMISOM ahna ay ku dileen Gudaha Madaxtooyada oo uu sheegay in ay Gantaallo la heleen iyagoo halkaas isku diyaarsanayey. |
|
|
Axmed Diiriye oo markale dhaleeceeyay Shabaab, Riyo-Maalmeedna ku tilmaamay Hamiga ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan Madaxtooyada. |
|
Muqdisho, Isniin, 30 August 2010, (Hillaac.Net) Afhayeenka Garab ka mid ah Odayaashii Hawiye ayaa Markale ku celiyey Dhaleeceyntiisii uu Xarakada Alshabaab ku eedeeynayey Caqli-Xumi uu sheegay in ay ku doonayaan Qabsashada Madaxtooyada, Dekedda, Iyo Airaboorka Muqdisho, Isagoo Arrintaas ku tilmaamay Riyo Maalmeed, Axmed Diiriye ayaa yiri "War Nimanku soow ma oga in Ciidanka AMISOM oo 5000 ka badan watana Hub Casri ah oo isugu jira Kaarayaal, BM, Iyo Beebayaalba ay Madaxtooyada Difaacayaan, Waxan u sheegayaa in aaney Wiilashaas ku leyn Godadka u dhexeeya Isgoyska Dabka iyo Madaxtooyada u maleyn maayo in ay Qabsan karaan Madaxtooyo Amaba ay Waddada Makka-Almukarama soo dhaafi karaane" Ayuu yiri Axmed Diiriye oo Shabaab ku eedeynaya Caqlixumo iyo Awood aaney lahayn oo ay isbideen sida uu sheegay.
|
|
|
(DHAGEYSO) AFHAYEENKA CIIDAMADA ALSHABAAB SHEEKH CABDULCASIIS (ABU-MUSCAB) OO FAAHFAAHINAYA GOOBO HORLEH OO AY KA QABSADEEN CIIDAMADA DKMG AH. |
|
Muqdisho, Isniin, 30 August 2010, (Hillaac.Net) Afhayeenka Ciidamada Xarakada Alshabaab ayaa ka warbixiyey Goobo horleh oo ay kala wareegeen Ciidamada DKMG ah, Goobahaas oo uu Afhayeenku sheegay in ay aad Muhiim ugu ahaayeen, Waxana uu Afhayeenku sidoo kale qeexay in ay Houmar weyn ka sameeyeen Dagaalladii ay Todabaadka ku wadeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah.
SII AQRI OO DHAGEYSO. |
|
|
Not a member yet? Click here to register.
Forgotten your password? Request a new one here.
|
|