Muqdisho, Jimce, 30 July 2010, (Hillaac.Net) Sheekh Maxamed Saciid Atam oo Hoggaamiya Dagaalyahannada Dhawaan ay Foodda isdareen Ciidamada Maamulka Puntland ayaa Wareysi dheer oo uu siiyey VOA waxa uu ku sheegay in aysan Marnaba Wadahadal la gealeynin Maamulka Puntland Maadaama sida uu Hadalka u dhigay ay yihiin Maamul Ashahaado ladirir ah islamarkaana aan Xor ahayn, Sheekh Atam ayaa yiri Isagoo Arrimahaas ka hadlaya:- "Faroolle maxaa lagala heshiiyaa Xorba ma'ahane Qof Xor ah oo ay Talo ka go'do ayaa lala heshiiyaaye, Waa Nin Qunsuliyadda Itoobiya wax looga soo yeeriyo, Annagu Dad Xor ah oo Caqiidadooda ku dheggen baan nahay lana Hadli meyno Nin Odayaasha Markii xataa ay la hadlaan ku oranaya (WAA LEEYSOO CANAANTAY OO DADKAAS HALA HADLIN BAA LA'I YIRI)" Ayuu yiri sheekh Atam.
HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO
|