(Dhageyso) Sheekh Atam oo Markii ugu horreysay ka hadlay Dagaalladii ka dhacay Deegaannada Puntland, Sheegayna in ay dileen 30 Askari 100 kabadanna ay dhaawaceen.
Muqdisho, Talaado, 27 July 2010, (Hillaac.Net) Sheekh Maxamed Saciid Atam ayaa Xalay Markii ugu horreysay ka hadlay mid ka mid ah Qolalka Paltalka Isagoo sida Sheekha laga soo xigtay go’aan ku gaaray in uusan waraysi siinin Warbaahinta Reer Galbeedka ee sida VOAda iyo BBC-da Isagoo taa Bedelkeedana Wareysiga siiyey Warbaahinta Salafiga ah sida uu sheegay. Sheekh Maxamed Saciid Atam ayaa sheegay in Saraakiil badan oo Ashahaado-la-dirir ah sida uu Hadalka u dhigay ay ku dhinteen dagaalkii shalay, Shiikhu wuxuu kaloo xusay in Aloore Sargaal la yiraahdo oo ahaa Ashahaado-la-dirir kuxigeen u ah PISta uu ku dhintay Dagaalkaas.
Qasaaraha gaaray Ciidamada Puntland ayuu ku sheegay in ay dhinteen ilaa 30 Askari, Halka dhaawacana uu gaarayo qiyaastii 100. Waxaa xagiijiyey dhaawaca ciidamada Puntland dadka ku sugnaa Boosaaso sida uu sheegay Sheekh Maxamed Atam.