Muqdisho, Isniin, 26 July 2010, (Hillaac.Net) Saaka waaberigii ayaa Ciidamo ka Amarqaata Sheekh lagu magacaabo Sheekh Maxamed Saciid Atam waxay Weerar ku soo qaadeen Saldhig ay ku lahaayeen Ciidamada Puntland meel u dhow tuulada Karin oo qiyaastii 30 kiiloomitir u jirta magaalada Boosaaso, Waxana Dagaal Qaraar uu dhexmaray labada dhinac Iyadoo Ciidamada Puntlnad ay gurmad aad u ballaaran ka heleen Ciidamo kale oo ka yimid magaalada Boosaaso iyo tuulada Carmo, Waxana Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Carma ay sheegayaan in Ciidamada Puntland laga gubay Labo Gaari oo Tikniko ah halka Ciidamo gaaraya 6 Askarina looga dilay Dagaalka Iyadoo Dhaawacuna uu intaa ka badan yahay sida ay sheegeen Saraakiisha Dagaalka ee Ciidamada Puntland, Dhanka kale ee ka soo horjeeda Wax war ah kama soo bixin Qasaaraha soo gaaray Iyadoo Dagaalkuna uu weli socdo.
Magaalada Boosaaso ayaa ah maanta mid aad u kacsan waxaana laga dareemayaa isdhexyaac iyo jahwareer baahsan, Waxana magaalada la keenay dhaawac aad u fara badan Iyadoo askartii dhaawaca ahaydna la geeynayey Isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso iyo Puntland Hospistal.
Maalmihii ugu dambeeyay ayuu Madaxweynaha Puntland Faroole warbaahinta uga dhaaranayey Ciidamada Taageersan Ururka Alshabaab ee ku sugan Buurta Galgala, Waxase Haatan Dagaalkii Maanta dhacay uu Muujinayaa in wax Awood ah uu Ciidamadaas ku maquuniyo uusan haysanin Faroolle Haddii uusan u yeeranin Ciidamada Itoobiya Waaba Haddii ay ka yeelaane. |