Muqdisho, Sabti, 24 July 2010, (Hillaac.Net) Ciidamada Xarakada Alshabaab ayaa Maanta gaaray Isgoyska Boondheere Sida ay Xaqiijiyeen Wariyayaasheenna Magaalada Muqdisho Iyadoo Ciidamadii AMISOM ee Difaacyada kaga jiray Isgoyska Boondheerana ay Halkaasi ka Durugsadeen Difaacyadooda Waxana Haatan ay Xoogagga Alshabaab Billaabeen in ay si toos ah ugu siqaan Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo u jirta Masaafo aan sidaa u fogeyn Illinkeeduna uu u muuqday Maalmihii lasoo dhaafay.
Waxa jira NiyadJab ba'an oo ku yimid Ciidamada AMISOM oo Had iyo Goor ku Gooddin jiray in Haddii ay Xoogagga Islaamiyiintu ay soo dhaafaan KM0 ay Tallaabo ka qaadi doonaan, Waxana Tallaabooyinkii ay qaadeen ay ku dambeeyeen in Taangiyadoodiina laga soo gubo Meydka Ciidamadoodana lagu jiido Suuqa Bakaaraha, Waxana Awoodda kaliya ee ku hartay Ciidamada AMISOM haatan ay noqotay Madaafiicda ay Har iyo Habeen ku Xasuuqaan Shacabka Muqdisho ee Deggan Xaafadaha ka fogfog Aagagga ay Dagaalladu ka socdaan.
Saraakiisha Xarakada Alshabaab ayaa Iyagu sheegay in Madaxtooyada Maalmaha soo socda lagu kala Bixi doono Haddii Alle idmo, Waxana muuqata in ay Haatan Go'doomiyeen Xarunta Madaxtooyada oo Wasiirada iyo Xildhibaannada DKMG ah ay Afkooda ku qirteen in aan Madaxtooyada laga dhex shaqeyn karin Rasaasta kusoo dhacaysa Aawadeed. |